Dadweynaha Iiraan ayaa bilaabay inay isugu soo baxaan agagaarka xarumaha korontada, goobaha nukliyeerka iyo buundooyinka muhiimka ah, ka dib markii dawladda Iiraan ay dadweynaha ugu baaqday inay goobahaa tagaan oo isku soo baxyadan looga hortaggo weerarro Mareykanka iyo Israa’iil ay ka fulin karaan xarumahan.
Sidoo kale,Madaxweynaha Iran ayaa maanta sheegay in isaga iyo 14 milyan oo muwaadiniin ahi ay naftooda u hurayaan difaaca dalkooda, taasi oo loo fasirtay inay tahay in dadku isku xeerayaan xarumaha muhiimka ah, si haddii la weeraro ay halkaasi ugu wada dhintaan.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa galabta sheegay in ilbaxnimada Iran ay burburi doonto caawa haddii aanay dawladda Iran si bilaa shuruud ah u furin Marin-biyoodka Hormuus.
Geesta kale, Dawladda Iran ayaa ku hanjabtay in Israa’iil iyo dalalka Khaliijku ay koronto la’aan geli doonaan haddii la weeraro warshadaheega tamarta, waxayna Iran si gaar ah u xustay in xarumaha warshadaha tamarta Sucuudigu ay burburi doonaan, halka sidoo kale ay Iran burburin doonto dhammaanba biriijyada waaweyn ee dalalka Gobolka.
Halka sidoo kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan ay sheegeen inay ka bixi doonaan is xakamaynta ay ku jiraan oo ay weerari doonaan meelo ka baxsan Gobolka Beriga Dhexe.
Waxa kaloo ay Iran ka digtay in haddii dagaalku sii adkaado ay Xuutiyiinta Yemen xidhi doonaan Badda Cas iyo Marin-biyoodka Baab Al-mendab ee isku xidha Badda Cas, Gacanka Caddan iyo Badweynta Hindiya.
Dhinaca kale Iiraan waxay xirtay dhammaan marinnadii diblomaasiyadeed iyo xiriirradii aan tooska ahayn ee ay la lahayd Mareykanka, xilli saacado yar ay ka dhimanyihiin waqtigii Trump u qabtay Iiraan inay heshiis ku qaadato, haddii kale uu burburinayo kaabayaasha tamarta Iiraan, sida ay werisey Al Arabiya oo xiganaysa wargeyska Tehran Times.
Sarkaal sare oo ka tirsan dawlada Iran ayaa sidoo kale ka digay in haddii xaaladdu sii xumaato oo xiisaddu ay ka baxdo gacanta, xulafada Iiraan ay qaadi karaan tallaabooyin adag, oo ay ka mid tahay in la xiro marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab el-Mandeb, kaas oo ah marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah. Tallaabadaas, ayuu sheegay, waxay si weyn u saameyn kartaa ganacsiga caalamiga ah iyo gaadiidka shidaalka, taasoo kordhin karta khatarta dagaal iyo xiisad dhaqaale oo baahsan.

