Soomaaliya ayaa galabta u codaysay qaraar la horgeeyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo la doonayey in awood millatari loo adeegsado sidii loo furi lahaa Marinka Hormuuz.
Waxa kaloo qaraarkan u coddeeyey dalalka Baxrayn, DR Congo, Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Giriiga, Liberia, Latvia iyo Panama.
Hasayeeshee, waxa qaraarkan codka diidmada qayaxan ku fashiliyey Shiinaha iyo Ruushka.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada Baxreyn ayaa markii uu meel mari waayay qaraarkii ku saabsanaa furitaanka marin biyoodka Hormus, wuxuu canaan kala dul dhacay gollaha ammaanka.
Wuxuu sheegay in Dalalka Sucuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuweyt iyo Jordan ay aad uga xun yihiin inaan la ansixin qaraarkii maanta la hor geeyay gollaha ammaanka.
Wuxuu ku eedeeyay gollaha ammaanka iney ku fashilmaan masuuliyadooda, Isla markaana ay indhaha ka laabteen dhaqanka sharci darada ah ee Iiraan ay ku xidhatey marinka Hormus, kaasoo u baahnaa talaabo adag in laga qaado.

