Wednesday, April 8, 2026

Xasan Sheekh oo Koonfur Galbeed kusoo Gebagabeeyay Dadaallo dib u Heshiisiin iyo Wada-tashi ( Sawiro)

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, nabadeynta, dardargelinta dowlad dhiska iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo ku dhisan wadajir iyo ka qaybgal bulsho.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay hoggaanka siyaasadda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada Koonfur Galbeed in ay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana laga fogaado waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho, si loo ilaaliyo xasilloonida deegaannada, loona abuuro jawi ku habboon horumar iyo dowladnimo waarta.

Kulamadaan, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo mas’uuliyiin kale.