Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in heshiiska xabbad-joojinta ee ay la gashay Iran uusan quseynin hawlgallada milatari ee Israa’iil ka waddo dalka Lubnaan, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo kooxda Hezbollah.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa caddeeyay in heshiiskaasi uu ku egyahay oo keliya iska horimaadka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, isla markaana uusan saameyn ku lahayn dagaalka ka socda Lubnaan.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa u janjeeray dhinaca Israa’iil, isla markaana ka hor yimid dhexdhexaadinta Pakistan,wuxuuna sheegay in Lubnaan aysan ka mid ahayn heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo Pakistan ay horey u sheegtay xabbad-joojinta inay qayb ka tahay Lubnaan, sida ay werisey warbaahinta Israa’iil ku dhow ee Axios.

