Koox Iraaniyiin ah Oo soo Bandhigtay Xog Sir Ah Oo Laga Helay Telefoonkii Taliyihii Hore Ee Ciidanka Israa’iil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Koox la sheegay inay xiriir la leedahay dowladda Iiraan oo ka shaqeysa jabsiga internetka (cyber attacks) ayaa lagu soo warramayaa inay si guul leh u weerartay telefoonka gacanta ee taliyihii hore ee ciidamada Israa’iil, Herzi Halevi.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in kooxdaasi ay ka heleen xog xasaasi ah oo ku jirtay telefoonka, oo ay ku jiraan sawirro gaar ah iyo macluumaad la xiriira safarro qarsoodi ah oo Halevi uu ku tagay qaar ka mid ah dalalka Carabta. Xogtan ayaa la sheegay inay leedahay muhiimad amni iyo mid siyaasadeed oo sare.

Ilo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in xogta la helay ay muujin karto xiriirro qarsoodi ah iyo wada-shaqeyn dhinaca ammaanka ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo dalal Carbeed, arrin xasaasi ku ah xaaladda gobolka Bariga Dhexe.

Dhanka Israa’iil weli si rasmi ah ugama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee falanqeeyayaal ayaa ku tilmaamay weerarkan mid muujinaya kororka dagaallada dhanka internetka (cyber warfare) ee u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xiisadaha u dhexeeya labada dal ay sare u kaceen, iyadoo weerarrada noocan ah ay noqdeen aalad cusub oo lagu muujiyo awoodda iyo saameynta dhinaca sirdoonka.

Screenshot