Maraykanka ayaa saaray cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Iran, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday mas’uuliyiin siyaasadeed iyo kuwo amni, kaddib tallaabadii adag ee lagula kacay mudaharaadayaasha ka soo horjeeday dowladda, xilli uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku hanjabay inuu si millatari ah u faragelin karo dalkaas.
Cunaqabataynta Maraykanku uu Khamiistii soo rogay ayaa lagu beegsaday Ali Larijani, xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Sare ee Iran (SNSC), iyo mas’uuliyiin kale oo dhowr ah, kuwaas oo Maraykanku ku tilmaamay “maskaxdii ka dambaysay” jawaabta Tehran ee lagu sifeeyay mid “arxan-darro ah” ee lagu wajahay mudaharaadyada.
“Maraykanku si adag ayuu u garab taagan yahay shacabka Iran ee ku baaqaya xorriyad iyo caddaalad,” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, bayaan uu soo saaray.
“Anagoo raacayna tilmaamaha Madaxweyne Trump, Wasaaradda Maaliyaddu waxay cunaqabatayn ku soo rogeysaa hoggaamiyeyaal muhiim ah oo Iran ah oo ku lug leh tallaabadii arxan-darrada ahayd ee lagula kacay shacabka Iran. Wasaaraddu waxay adeegsan doontaa dhammaan agabka ay hayso si ay u beegsato kuwa ka dambeeya cabburinta kelitalisnimada ah ee xuquuqda aadanaha.”
Cunaqabatayntan waxay xannibaysaa hantida shakhsiyaadkaasi ku leeyihiin Maraykanka, waxayna ka dhigaysaa sharci-darro in muwaadiniinta Maraykanku ganacsi la sameeyaan.
Maaddaama Iran horeyba u saarneyd cunaqabatayn culus, tallaabooyinkan badankood waa kuwo astaan uun ah, balse waxay muujinayaan cadaadis sii kordhaya oo Maraykanku ku saarayo Iran xilli ay socdaan mudaharaadyadu. Larijani waa la-taliyaha ugu dhow Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.
Horaantii toddobaadkan, kaddib markii Trump ugu baaqay shacabka Iran inay “la wareegaan” hay’adaha dadweynaha isla markaana ay “xusuustaan magacyada dilayaasha iyo kuwa tacaddiyada geysta”, Larijani ayaa si degdeg ah uga jawaabay, isagoo ku eedeeyay Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inay dileen dad Iran ah.
“Waxaan shaacinaynaa magacyada dilayaasha ugu waaweyn ee shacabka Iran:
1- Trump
2- Netanyahu,” ayuu ku qoray barta X.

