Xasan Sheekh Oo Qaabilay Wafdi Uu Hogaaminayay Wasiirka Tamarta Turkiga.(Sawiro)

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalkaas Mudane Alparslan Bayraktar.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa kulankooda iskula soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba-geesoodka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga arrimaha tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo dhaqaalaha buluugga.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal ee dhanka tamarta uu soo gaaray marxalad taariikhi ah oo shacabka labada dal ay ku faani karaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in soo xirashada markabka Cagri Bay uu baal cusub oo dahabi ah u furay dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirtay sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka, shaqo-abuurka iyo kaa faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ee ceegaaga baddaheenna iyo barrigeenna.

Dhankiisa, Wasiir Alparslan Bayraktar ayaa ugu mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhawaynta iyo martisoorka qaayaha leh ee ay u fidiyeen, isaga oo muujiyay in Markabka Cagri Bay iyo billaabashada hawlahiisa qodista ay tusaale u yihiin ka mirodhalinta yoolasha iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

DHAMMAAD