Wasiirka arrimaha dibadda ee ISR, ayaa qoraal dheer oo cabasho iyo eedeyn iskugu jira kasoo saarray hoggaminta dalka Spain.
Wuxuu sheegay in eedaymo aan jirn markasta Spain u jeediso ISR, isagoo xusay in ciidankoda iyo Dowlada ay magac bi’in ku hayaan. Spain, wuxuu ku tilmaamay dal ku hawlan in ay dhawaacan, oo ay ka hor keenan ururada caalamiga ah- si gaar ah in cunaqabatayn middawga Yurub ku soo rogo dal ka shaqeynaya. ISR, waxay sheegtay in Dagaalki !ran dannahoda ay toos uga hortimid.
“Spain, waxay ku hawlan tahay fidinta warar aan sal lahayn. Waxay toos uga hor timid dannaheena, siddaas darteed waxaan maanta go’aaminay in laga saaro heshiiska CMCC.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
CMCC- waa qorshe sannadkii 2025 la yagleelay oo Maraykanku horkacayo. Waxay ujeedadiisu tahay in nabadaynta Q*sa lagu taabo-galiyo. Qorshahan oo dalal Spain kamid tahay ka qayb-qaatan ayaa lagu sheega mid gargaarka marinka lagu fudaydiyo. Laakin, waa un qorshe ISR, oo Maraykanka kaashanaysa dannaheeda fuliya, kaas oo aysan saameyn ku yeellan karin cid doonnaysa in gargaar ama hawlo kale gaadhsiiso Flstiin. In Spain, laga saarana macne badan ma yeellan karto.

