Maamulka Woqooyi-bari ayaa sheegay in Siciid Deni yahay shaqsi ka xun horumarka dalka iyo shidaalka lasoo saarayo.
Wasiirka Kaluumaysiga ee xukuumadda Madaxweyne Firdhiye, Md Ismaaciil Axmed, oo ku sugan munaasibadda furitaanka markabka shidaalka ka qodaya Soomaaliya, ayaa yidhi:
“Annaga oo ah Wasiirradii iyo Xildhibaannadii maamulka Woqooyi-bari ayaa caddaynayna in cidda horumarka diidan ay tahay Siciid Deni; ma oggola horumarka iyo shidaalka dalka laga qodayo. Madaxweyne Xasan, Ilaahay ha guuleeyo, dalka wuu u dedaalay, annagana wuu na caawiyay.”

