R/W.Spain Oo Jawaab ka Bixiyay Hadalkii Trump Yurub-na Uga Baaqay In la Cunaqabateeyo ISRL.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez oo maanta ka jawaabay hanjabada Trump ee ah inuu Mareykanka ka saarayo NATO, ayaa sheegay inay Yurub dhisanayso isbahaysi gaar ah oo u shaqeynaya sida NATO.

Wuxuu yiri;
“Waxaan si buuxda diyaar ugu nahay inaan horay u wadno dhismaha ciidan Yurub ah oo mideysan Ma aha toban sanno ka dib ama labo sano ka dib, balse waa hadda… laga yaabee xitaa berri.”

Ra’iisal Wasaaraha Spain, sidoo kale sheegay in ISRL aan loo ogolaan karin iney Lubnaan u burburiso sida Qa-sa oo kale.

Perdo Sanchez, wuxuu markale adkeeyay in marka lagu xadgudubo sharciga caalamiga ah looga baahan yahay Yurub iney si mideysan oo adag uga falceliso hadii ay rabto in Dunida inteeda kale ay taageerto.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Spain, Perdo Sanchez ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in la joojiyo heshiiska gacansi ee kala dhexeeya ISRL.

Hadalkan Ra’iisal Wasaaraha Spain ayaa kusoo beegmaya xili ay Israel amartay in dibulamaasiyiinta Spain ka baxaan dalkeeda, iyadoo wasiirka arimaha dibada Israel uu eedeymo culus u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Spain.