Saturday, April 11, 2026

Somaliya iyo Liibiya oo ku heshiiyey dib usoo celinta 400 dhallinyaro Soomaaliyeed

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Liibiya ayaa ku heshiiyey in dalka dib loogu soo celiyo ilaa 400 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran xabsiyada dalka Liibiya, kaddib kulan muhiim ah oo dhexmaray wasiirrada arrimaha dibadda labada dal.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi ah ayaa waxaa yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, iyo dhiggiisa Liibiya, Daahir Al-Baour, Labada masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha tahriibta iyo socdaalka sharci-darrada ah, kuwaas oo si weyn u saameeya dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku safra marinnada halista ah ee u dhexeeya Afrika iyo Yurub.

Wasiirradu waxay muujiyeen walaac ku saabsan dhibaatada bani’aadamnimo ee ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Liibiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha dambiyada abaabulan iyo kuwa dadka ka ganacsada, kuwaas oo si joogto ah u dhibaateeya dadka tahriibayaasha ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in maalmaha soo socda la dedejiyo qorshaha dib loogu soo celinayo ilaa 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah, si ay dib ugu helaan nolol ammaan ah iyo fursado cusub gudaha dalkooda.