Home SomaliMadaxa Sirdoonka Turkiga Oo Israel Eedeeyay.

Madaxa Sirdoonka Turkiga Oo Israel Eedeeyay.

by Heemaaln
1 minutes read

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Turkiga, İbrahim Kalın, ayaa ka hadlay wadahadallada la xiriira Iran, isaga oo sheegay in Israa’iil ay si joogto ah u carqaladeynaysay dadaallada diblomaasiyadeed.

“Waxaan aragnaa in Israa’iil, ay raadineyso in wadahadalka Iran iyo Mareykanka fashilmo iyo isku day kasta oo lagu furayay marin isgaarsiineed tan iyo markii uu dagaalku billowday sida ay horeyba u sameysay ay hadda ku jirto dadaal xooggan oo ay ku wiiqeyso una fashilineyso hindisayaashaas, iyada oo adeegsaneysa weerarradii ay qaaday labadii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Kalın.

“Hadafka dagaalka Iran ay u wado Israel waa inay jidka u xaarto dagaal sokeeye oo u dhaxeeya Turkida, Kurdida, Carabta, iyo faarisiyiinta.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.