Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay isbeddel taariikhi ah oo ku saabsan Koobka Qaramada Afrika (AFCON), kaddib kulan ay guddiga fulinta CAF ku yeesheen dalka Morocco. Madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe, ayaa xaqiijiyay in AFCON laga bilaabo sanadka 2028 loo wareejin doono nidaam afartii sanaba mar ah, halkii uu ka ahaan jiray labadii sanaba mar.
AFCON ayaa tan iyo 1968 si joogto ah u dhici jiray labadii sanaba mar, inkasta oo uu jiray hal mar oo farqi ah intii u dhexeysay tartamadii 2012 iyo 2013. Si kastaba ha ahaatee, Motsepe ayaa sheegay in kaddib AFCON-ka 2027 oo ka dhici doona Bariga Afrika (Kenya, Tanzania iyo Uganda), iyo kan 2028, tartanka ugu weyn qaaradda Afrika uu si rasmi ah ugu wareegi doono nidaam afartii sanaba mar ah.
Motsepe ayaa tilmaamay in go’aankan uu la xiriiro baahida loo qabo in la waafajiyo jadwalka kubbadda cagta Afrika iyo kan caalamiga ah, gaar ahaan horyaalada Yurub.
“Waxaan leenahay qaab-dhismeed cusub oo aad u xiiso badan oo kubbadda cagta Afrika ah. Waxa aan sameyneyno waa waxa dan u ah Afrika. Jadwalka caalamiga ah waa inuu noqdaa mid si fiican loo waafajiyo loona isku dubbarido,” ayuu yiri Motsepe.
Muddo dheer, qabashada AFCON bartamaha xilli-ciyaareedka horyaalada Yurub ayaa caqabad ku ahayd ciyaartoyda iyo naadiyada. Inkasta oo CAF ay hore u go’aamisay in AFCON lagu qabto bilaha Juun iyo Luulyo laga bilaabo 2019, haddana arrimo ay ka mid yihiin Covid-19 iyo xaaladaha cimilada dalalka martida loo ahaa ayaa sababay in tartamadii 2021 iyo 2023 lagu qabto Janaayo iyo Febraayo.
Sidoo kale, Koobka Kooxaha Adduunka ee FIFA oo la ballaariyay 32 kooxood, kana dhacay Juun iyo Luulyo sannadkan, ayaa mar kale ku qasbay CAF inay beddesho jadwalkeeda.
Natiijadaas awgeed, AFCON-ka 2025 ee ka dhacaya Morocco ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee lagu qabto xilliga Kirismaska iyo Sanadka Cusub, iyadoo ciyaarta kama dambaysta ah la ciyaari doono 18-ka Janaayo.
Dhanka kale, CAF ayaa ku dhawaaqday in la kordhiyay lacagta abaalmarinta kooxda ku guuleysata AFCON, taas oo laga qaaday 7 milyan oo doollar lana gaarsiiyay 10 milyan oo doollar, si loo dhiirrigeliyo tartanka loona xoojiyo horumarka kubbadda cagta qaaradda.
Motsepe ayaa sidoo kale shaaciyay in la bilaabi doono tartan cusub oo la yiraahdo Horyaalka Qaramada Afrika (African Nations League), kaas oo la qaban doono sannad kasta laga bilaabo 2029, bilaha Sebtembar, Oktoobar iyo Nofeembar.
Tartankan cusub waxaa ka qayb qaadan doona dhammaan 54-ka waddan ee xubnaha ka ah CAF, waxaana loo kala qaybin doonaa afar gobol:
Waqooyiga Afrika: 6 waddan
Bariga, Galbeedka, Bartamaha iyo Koonfurta Afrika: min 16 waddan
Ciyaaraha hordhaca ah ayaa la ciyaari doonaa Sebtembar iyo Oktoobar, halka kooxaha ku guuleysta gobollada ay bisha Nofeembar isugu iman doonaan si loo go’aamiyo hal koox oo guud ahaan Afrika ku guuleysata.
Motsepe ayaa sheegay in tartankan cusub uu noqon doono “mid u dhigma AFCON oo sannad kasta la qabto”, isla markaana lala kaashan doono FIFA si loo helo kafaala-qaadayaal heer caalami ah.
“Sanad kasta, ciyaartoyda ugu fiican Afrika ee ka ciyaara Yurub waxay nala joogi doonaan qaaradda. Waxaan yeelan doonnaa tartan ay ka qayb qaadanayaan 54 waddan oo Afrikaan ah, isla markaana sannad kasta noqon doona mid heer caalami ah,” ayuu yiri Motsepe.
Isbeddeladan cusub ayaa lagu sheegay kuwo lagu gaaray wadatashi lala yeeshay madaxweynaha FIFA Gianni Infantino iyo xoghayaha guud ee FIFA Mattias Grafström, iyadoo CAF ay sheegtay inay diyaar u tahay is-dhexgal iyo tanaasul si kubbadda cagta Afrika ay ula jaanqaaddo tan caalamka.
