Nin Qarsoodi ku Galay Garoonka Ireland Oo Khasaaro Gaarsiiyay Diyaaradaha Dagaalka Ee Maraykanka Oo Halkaasi Yaalay

by Heemaaln
1 minutes read

Wararka ka imanaya Shannon Airport ee Ireland ayaa dhacdo lama filaan ah oo si weyn u kicisay xaalka ammaanka ee garoonka, kadib markii nin si qarsoodi ah uga gudbay xayndaabka garoonka, una dhaqaaqay meel ay yaalleen diyaaradaha militari.

Ninkan, oo la sheegay inuu ku jiray da’ dhexe, ayaa fuulay baalka diyaarad militari oo Mareykan ah oo halkaas taallay, ka hor inta uusan ku bilaabin weerar uu faas u adeegsaday wuxuuna si toos ah u beegsaday jirka iyo baalka diyaaradda, isagoo sababay burbur muuqda.

Muddo kooban, garoonka diyaaradaha ayaa la hakiyay, iyadoo ciidamada ammaanka oo ay ku jiraan booliska Ireland ay si degdeg ah u soo farageliyeen, ugu dambeyntiina gacanta ku dhigeen eedeysanaha.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay u fududaatay in hal qof uu jebiyo nidaamka ilaalinta ee garoon caalami ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.