Qasa:-Israa’iil Oo Duqeyn ku Dishay Saddex Suxufi Oo Falastiini ah

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Saddex suxufi Falastiini ah ayaa lagu dilay duqayn bartilmaameed ah oo Israa’iil ku qaaday gaari ay la socdeen bartamaha Gaza, xilli ay shaqo u hayeen hay’ad gargaar oo Masar laga leeyahay.

Suxufiyiinta la dilay ayaa lagu kala magacaabayey Abed Shaat, oo ahaa sawirqaade madax-bannaan kana soo shaqeeyay CBS News intii uu socday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, iyo Anas Ghoneim iyo Muhammed Qashta, kuwaas oo lagu dilay duqayn cirka ah oo dhacday Arbacadii.

Dhacdadan ayaa imaneysa iyadoo xadgudubyada xabbad-joojinta israiil ay weli sii socdaan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.