HNN: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalinta Isniinta iskugu yeeray wakiilada iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho, isagoo qorsheeyay kulan muhiim ah oo uu ku soo bandhigi doono warbixin la xiriirta xaaladda dalka, gaar ahaan gobolka Koonfur Galbeed. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ay ku wargelinayso saaxiibada caalamka horumarka, nabadda, iyo amniga Soomaaliya.
Warqad rasmi ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dirtay ayaa diblomaasiyiinta iyo ururrada caalamiga ah ku martiqaaday kulankan oo ka dhici doona Villa Somalia, saacadda 11:00 subaxnimo. Madaxweynaha ayaa ka faa’iidaysan doona fursadan si uu si toos ah ugu soo bandhigo xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, isaga oo sidoo kale sharaxaya dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka gobollada.
Kulankan ayaa sidoo kale u furan diblomaasiyiinta si ay u fahmaan xaaladda gudaha Soomaaliya iyo taageerada dowladda ee lagu horumarinayo xasiloonida dalka, taasoo ka dhigaysa mid muhiimad gaar ah u leh xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Heemaal News Network.
