Wednesday, April 15, 2026

Iran Oo Sheegtay Inaan la Aqbali-karin Sharuudaha Washinton Iyo Maraykanka Oo Diiday Kordhinta Xabbad-joojinta

by Heemaaln
1 minutes read

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa sheegay in Mareykanku si fiican u ogyahay in aan la aqbali karin soo jeedintiisa haddii lagu xiro shuruudo keli-talis ah.

Baqaei ayaa xusay in arrintaas ay si buuxda uga hor imaaneyso mabda’a wada-xaajoodka iyo wadahadalka, isagoo muujiyay mowqif adag oo Tehran ka taagan tahay shuruudaha Washington.

Sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uusan si rasmi ah u oggolaan kordhinta xabbad-joojinta uu la leeyahay Iran, sida ay baahisay wakaaladda Reuters.

Sarkaalka ayaa xusay in wali ay socdaan wada-xiriirro u dhexeeya labada dhinac si loo gaaro heshiis cusub.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa riixaya in dib loo bilaabo wadahadallada, xilli Donald Trump uu sheegay in kulamo cusub ay ka dhici karaan Pakistan maalmaha soo socda.

Arrintan ayaa muujineysa in rajada diblomaasiyadeed ay weli jirto, inkastoo aan wali la gaarin heshiis rasmi ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.