Ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sheegay inay si guul leh u tijaabiyeen gantaal lidka maraakiibta ah oo laga rido diyaaradaha, kaas oo gudaha dalka lagu soo saaray.
Sida ay sheegtay hay’adda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Pakistan, gantaalkan gudaha lagu sameeyay ayaa si sax ah oo fog u beegsaday bartilmaameedkii loo qorsheeyay, isagoo ku dhacay xawaare iyo saxnaan sare.
ISPR waxay sheegtay in Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Naveed Ashraf uu goob-joog ka ahaa tijaabada gantaalka, sidoo kalena ay halkaas joogeen koox saynisyahanno iyo injineerro ah intii lagu guda jiray tijaabada.
Sida laga soo xigtay ISPR, gantaalkan waxaa ku rakiban nidaam hagitaan oo casri ah iyo tiknoolajiyad waxqabad sare leh. “Gantaalku wuxuu si wax ku ool ah u beegsadaa bartilmaameedyada xaalado kala duwan, wuxuuna ka fogaadaa khataraha.”
ISPR waxay sheegtay in gantaalkan gudaha lagu soo saaray uu yahay “caddeyn muuqata oo muujinaysa awoodda farsamo ee Pakistan… Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka milatariga ayaa ammaanay kooxda tijaabada sameysay.”
ISPR waxay sidoo kale sheegtay in Ciidanka Badda Pakistan ay ka go’an tahay xoojinta difaaca badda si uu u noqdo mid adag oo wax ku ool ah.

