Taliyaha guud ee ciidanka Iiraan, Jen. Amir Hatami ayaa maanta markii u horreysay sharraxaad ka bixiyay sababta ay diyaaradaha dagaalka Iiraan uga soo muuqdeen hawada Iiraan si ay u ilaaliyaan taliyaha ciidanka Pakistan , Jen. Asim Munir oo booqasho ku tagay Iiraan.
Wuxuu yiri: “Pakistan waxay naga codsadeen in hawadeena aan u furno labo diyaaradood oo dagaal si ay taliyaha u ilaaliyaan,sabab la xiriirta habraacooda amni, laaakiin annaga ayaa la yaabnay, waxaanan u sheegnay inaysan jirin wax baahi ah oo arrintaas loo qabo.
Kadibna waxaan ku galbinay annaga oo adeegsanayna tiro laba jibbaar ka badan diyaaradaha ay iyagu qorsheynayeen inay keenaan.”
Iiraan waxay sidoo kale ka yaabisay Pakistan, maadaama ay u maleynayeen in Iiraan aysan wali lahayn awood diyaarado dagaal.
Ururka Hamas ayaa si kulul u cambaareeyay hadal uu jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J. D. Vance, oo sheegay in gargaarka galaya Gaza uu marayo heerkii ugu sarreeyay shantii sano ee la soo dhaafay.
Hamas ayaa ku tilmaantay hadalkaas mid marin-habaabin ah oo ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gudaha Gaza.
Bayaan ay soo saareen ayay ku adkeeyeen in xaaladda bani’aadannimo ay weli aad u liidato, isla markaana aysan jirin wax muujinaya koror muuqda oo gargaar ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli xaalad biniaadantinimo oo aad u xun ay ka taagan tahay Gaza.
Xoghayaha dagaalka Mareykanka, Pete Hegseth ayaa maanta warbaahinta Mareykanka ku tilmaamay inay ku kacayaan khiyaano qaran, isagoo ku eedeyay qaarkood inay baahinayaan warar niyad-jab ku ah ciidanka Mareykanka ee ku jira dagaalka Iiraan, markaa wuxuu yiri; “Mararka qaar way adagtahay in la fahmo mowqifka dhabta ah ee qaar idinka mid ah.Tani waa khiyaano qaran.”
Midowga Yurub oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Lubnaan
Madaxa Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa soo dhaweysay xabbad-joojinta 10-ka maalmood ah ee u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, taas oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
“Tani waa nafis, maadaama dagaalka uu horey u galaaftay nafta dad badan,” ayay ku qortay baraha bulshada ee X.
Waxay sheegtay in hadda loo baahan yahay waddo loo maro “nabad waarta”, halkii laga heli lahaa “kaliya nabad ku-meel-gaar ah”, iyadoo ku dartay in Yurub ay sii wadi doonto baaqa ku aaddan “in si buuxda loo ixtiraamo madax-bannaanida Lubnaan.”

