Mareykanka, Oo Uga Digay Ciraaq inay DhisAAn dowlad u janjeerta Iiraan

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa uga digay Ciraaq in aan la dhisin dowlad u janjeerta Iiraan iyadoo Mareykanku ka walaacsan yahay dib u soo laabashada Nouri al-Maliki ee xilka ra’iisul wasaaraha. Maliki oo xilka ka degay 2014 kadib cadaadis Mareykan ah, ayaa hadda loo xushay musharrax ay wataan xulafada Shiicada, wuxuuna booqday Tehran oo uu kula kulmay Cali Khamenei taasoo sii kordhisay walaaca Washington.

Digniinta Rubio ayaa imaneysa xilli gobolka uu wajahayo loollan siyaasadeed xooggan, iyadoo Mareykanku uu doonayo in Ciraaq ay yeelato dowlad ka madax-bannaan oo ka fog faragelinta Iiraan, halka Iiraan ay dhankeeda sii xoojinayso saameynta ay ku leedahay Ciraaq, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo kooxaha hubeysan ee dalkaasi.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.