Tuesday, September 1, 2026

Madaxweynaha Shiinaha Oo Booqashadii Ugu Horreysay Maanta ku Tagay Dalka Masar.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa booqashadii u horreysay muddo toban sanno ka dib maanta ku tagay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, halkaa oo wadahadallo ay ku yeesheen madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi.

Xafiiska madaxweynaha Masar ayaa warsaxaafadeed uu sii daayay wuxuu ku sheegay in wadahadallada labada hoggaamiye diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyo in dib loo eego fulinta heshiiskii iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ay kala saxiixdeen 2014.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa horey u sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Masar uu marayo xilligii ugu fiicnaa taariikhda,isagoo xusay in labada dal ay muddo 70 sano ah ahaayeen saaxiibo wadaago iskaashi.

Shiinuhu wuxuu Masar ku maalgeliyay qiyaastii $1.4 bilyan, iyadoo inta badan maalgelintu ku urursan tahay Aagga Dhaqaalaha Kanaalka Suweys, halkaas oo ay hadda ka howlgalaan ku dhowaad 200 shirkadood oo Shiinaha ah.

Shiinuhu wuxuu sidoo kale qayb ka yahay mashaariicda waaweyn ee Masar, sida Iconic Tower, oo ah dhismaha ugu dheer Afrika, iyo khadka tareenka korontada ee isku xira Qaahira iyo caasimadda cusub.

Xi wuxuu Masar u arkaa buundo istiraatiiji ah oo isku xirta Afrika iyo dunida Carabta. Taasi waxay Masar siinaysaa muhiimad gaar ah qorshaha Shiinaha ee Belt and Road iyo ballaarinta iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Dhanka siyaasadda, Xi wuxuu taageeray xuquuqda iyo qadiyadda Falastiiniyiinta, wuxuuna sheegay in Shiinaha iyo Masar ay doonayaan xal siyaasadeed oo loo helo colaadaha iyo xiisadaha Bariga Dhexe.

Maxay tani ka dhigan tahay?

Waxa muuqata in Beijing aysan Masar u arkin oo keliya suuq ama meel maalgashi, balse ay u aragto xarun istiraatiiji ah oo isku xirta Shiinaha, Afrika, Carabta iyo ganacsiga caalamka. Kanaalka Suweys, goobta juqraafiyeed ee Masar iyo xiriirkeeda Afrika iyo Carabta ayaa ka dhigaya Qaahira lammaane muhiim u ah qorshaha Shiinaha ee ballaarinta saamayntiisa dhaqaale iyo siyaasadeed.