Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Koonfur Afrika ee Halganka Dhaqaalaha Xorriyadda (EFF), Julius Malema, ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyada oo lagu helay dambi la xidhiidha jebinta shuruucda hubka, kaddib markii uu rasaas ka riday isu soo bax siyaasadeed sanadkii 2018.
Maxkamad ku taal Johannesburg ayaa go’aankan gaadhay Khamiista maanta, hase yeeshee Malema ayaa si ku meel gaadh ah loo sii daayay maadaama uu racfaan ka qaatay xukunka, iyadoo dacwadiisa rafcaanka la dhegaysan doono waqti dambe.
Haddii xukunka iyo dambiga lagu helay la xaqiijiyo, Malema waxa uu lumin doonaa xubinnimadiisa baarlamaanka, maadaama sharciga Koonfur Afrika uu ka mamnuucayo xubinimada qof kasta oo lagu xukumo xabsi ka badan 12 bilood oo aan lahayn ganaax.
Malema ayaa bishii Oktoobar lagu helay shan dambi oo ay ka mid yihiin haysashada hub iyo rasaas si sharci darro ah, rasaas ka ridid meel dadku degan yihiin, iyo halis gelin dadweyne. Dacwaddan ayaa sidoo kale lagu soo oogay ilaaliyihiisa gaarka ah, Anton Snyman, balse isaga waa la sii daayay kadib markii lagu waayay wax dambi ah.
Boqolaal taageerayaal ah oo ka tirsan xisbiga, oo loo yaqaan “dagaalyahanada,” ayaa isugu soo baxay maxkamadda, iyagoo ku lebisan dharka cas ee xisbiga, isla markaana qaadaya heeso iyo qaylo dhaan kahor iyo kadib go’aanka maxkamadda.
Malema ayaa si adag u dhaliilay garsooraha dacwadda, isaga oo ku eedeeyay eex iyo siyaasad ku milan go’aankeeda. Waxa uu sheegay in ay racfaan u gudbinayaan maxkamad sare si dib loogu eego xukunka.
Garsooraha dacwadda, Twanet Olivier, ayaa sheegtay in xukunka lagu saleeyay halista falka uu sameeyay, iyadoo xustay in rasaasta si aan kala sooc lahayn loo rido ay sababi karto dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan carruurta iyo dadka rayidka ah.
Malema ayaa marar badan ku dooday in dacwadda lagu soo oogay ay tahay mid siyaasadaysan, isaga oo tilmaamay in ay soo gudbiyeen ururka AfriForum, oo uu muddo dheer khilaaf kala dhexeeyay.
Hoggaamiyahan oo lagu tilmaamo shaqsi muran badan dhalinaya ayaa caan ku ah siyaasado adag oo ay ka mid yihiin in dhulka laga qaado dadka cadaanka ah iyada oo aan magdhow la siin, iyo in la qarameeyo macdanta iyo bangiyada.

