Home SomaliWiilka Madaxweynaha Uganda Oo Mar kale ku Hanjabay Iran”Ma Qaadan doonto 2 Toddobaad inaan Qabsanno Tehraan”

Wiilka Madaxweynaha Uganda Oo Mar kale ku Hanjabay Iran”Ma Qaadan doonto 2 Toddobaad inaan Qabsanno Tehraan”

by Heemaaln
1 minutes read

Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda ah-na wiilka madaxwaynaha ayaa markale u hanjabay Iiran, isagoo sheegay in hal guuto oo ka tirsan Ciidamada Uganda ay laba todobaad gudaheed ku qabsan karaan caasimada dhan ee Dalka Iiraan.

“Ma qaadan doonto wax ka badan 2 toddobaad inaan qabsanno Tehraan, hal guuto oo ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa ku filan shaqadaa.” Ayuu ku qoray bartiisa X.

Taliyaha Ciidamada Uganda oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda ayaa dhawaan ku hanjabay in Uganda ay sameyn doonto faragalin milatari hadii ay dhacdo in Iiran ay ka adkaato ISRL, wuxuu sheegay inuu u hiilin doono ISRL.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.