Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u baabi’isay amarkii waaran soo qabasho ee hore loogu soo saaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo horey loogu eedeeyey falal loo arkay kuwo ka dhan ah midnimada iyo sharciga dalka.
Maxkamaddu waxay go’aankeedan ku ansixisay racfaanka lagu soo gudbiyey, iyadoo ku tilmaamtay in waarankii la soo saaray ee hore uu ahaa mid aan sharci buuxda ku salaysnayn, isla markaana aan laga helin caddaymo lagu xaqiijinayo eedeymaha loo haystay madaxwaynaha Jubbaland. Go’aanka maxkamadda ayaa baabi’iyey amar kasta oo hore loogu soo diray hay’adaha amniga si ay u qabtaan Madaxweynaha Jubbaland.
Arrintan ayaa timid kaddib xiisad siyaasadeed oo dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, taasoo bilowday markii Madobe dib ugu guulaystay doorashadiisii madaxweynaha 25-kii November 2024, islamarkaana uu adkeeyey in maamulka Jubbaland uu ku dhaqmo nidaam iyo qaab doorasho u gaar ah.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in waarankii hore ee maxkamaddu soo saartay uu ahaa qayb ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo sharciga iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya, hase yeeshee markii dambe lagu arkay khaladaad farsamo iyo sharci oo u baahan in dib loo eego — taasoo keentay in maxkamaddu meesha ka saarto.
Go’aankan ayaa si weyn looga hadal hayaa siyaasadda dalka, iyadoo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ay ku tilmaameen tallaabo lagu sii xoojinayo doorashooyinka qof & cod ee dalka soo food saaray, halka qaar kalena ay ka digayaan in ay keeni karto sii xoogeysiinta khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
