Wednesday, June 24, 2026

Mareykanka Oo Sheegay In Duqayn ka Dhacday Suuriya Lagu Dilay Hoggaamiye Cali Xuseen alcaweyl

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay in 19-kii June ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen waqooyi-galbeed Suuriya, Duqeyntaas waxaa lagu dilay Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada Cali Xuseen alcaweyl.

Mareykanka ayaa sheegay in tilaabadan ay qeyb ka tahay dadaaladooda joogtada ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, si looga hortago halis kasta oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka iyo xulafadooda gobolka.

Kooxda Daac1sh ayaa dhowaanahan xoojisay weerarada ay ku hayso dowladda Suuriya, Sabtidii la soo dhaafay, kooxdu waxay sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay agagaarka magaalada Manbij ee gobolka Xalab.