Saturday, April 18, 2026

Kyiv: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay nin rasaas ku furay dad dukaamyasanaayey

by Heemaal
1 minutes read

HNN: Shan qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, toban kalena way ku dhaawacmeen kadib dhacdo rasaas lagu furay oo ka dhacday caasimadda Ukraine ee Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaas Volodymyr Zelenskyj.

– Toban qof ayaa isbitaalka la dhigay iyagoo qaba dhaawacyo iyo jugo, ayuu Zelenskyj ku qoray fariin uu soo dhigay barta X saacadu markay ahayd 17:30.

War cusub oo la soo saaray saacadu markay ahayd 18:09, duqa magaalada Kyiv Vitalij Klitsjko ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay korodhay oo gaartay lix qof.

Zelenskyj ayaa sheegay inuu dalbaday in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan, isla markaana dhammaan xogta la xaqiijiyay ee kiiskan ay gaarto dadweynaha.

Qofkii looga shakisan yahay falka ayaa la dilay xilli booliisku isku dayayeen inay qabtaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Ihor Klymenko.

– Wuxuu dadka ka dhigtay la-haystayaal (hostages) wuxuuna rasaas ku furay booliiska intii lagu guda jiray qabashadiisa, ayuu Klymenko ku sheegay fariin uu ku daabacay Telegram.

Wuxuu sidoo kale sheegay in booliisku isku dayeen inay la hadlaan ninka.

Qofka la tuhunsan yahay ayaa rasaas ka furay degmada Holosijvkyj galabnimadii Sabtida, waxaana ka mid ah carruur dadka dhaawacmay, sida uu hore Telegram ugu sheegay duqa magaalada Vitalij Klitsjko.

Ninka la tuhunsan yahay ayaa rasaas ku furay waddada bannaankeeda, ka hor inta uusan gelin dukaan cunto (supermarket), halkaas oo sidoo kale rasaas laga riday, sida uu sheegay duqa magaalada.

Booliisku waxay ku howlnaayeen sidii ay ninka ugu qaban lahaayeen gudaha supermarket-ka, ayuu yiri.

Heemaal News Network.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.