Saturday, April 18, 2026

Walaac soo Food Saaray Qoysaska Askarta Maraykanka ee ku Sugan Bariga dhexe.

by Heemaaln
1 minutes read

Warbaahinta USA Today ayaa sheegtay in uu walaac soo food saaray qoysaska ay ka dhasheen askarta Maraykanka ee ku sugan gobolka bariga dhexe gaar ahaanna askarta ka hawl gasha Maraakiibta dagaalka ee dalka Maraykanka kuwaas oo la baahiyey sawirro muujinaya cuntada ay cunaan oo ah mid aad u yar.

Qoysaskan ayaa ku doodaya in askartii ka dhalatay ay wajahayaan cunto yari iyo in aanay haysan gasiin ku filan maaddama oo Saxana la soo sawiray ay muujinayaan in ay cunaan cunto ka yar tii ay hore u heli jireen.

Dagaalka iyo kala go’a sahayda ayaa loo sababeeyey cunto yaraanta askartan ku haysta gobolka bariga dhexe.

Sidoo kale qaybta Af Carabida ee Warbaahinta Al jazeera oo soo xiganaysa dad ku sugan gudaha Maraykanka ayaa sheegtay in walaaca iyo yabaalka haysta waalidinta ciidanku ay tahay mid aad u sarraysa taas oo gaadhey ilaa Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Maraykanka.

Ciidanka Maraykanka ayaa bariga dhexe ku sugnaa afartii bilood ee la soo dhaafay iyaga oo halkaas u jooga dagaalka ka dhanka ah dawladda Iran.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.