Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa guul weyn ka gaaray howlgallo amni oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaddib markii ay gacanta ku dhigeen keyd ballaaran oo miinooyin iyo walxo qarxa ah, kuwaas oo kooxdaasi ku lahayd duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalkan ayaa yimid kaddib howlgallo isdaba joog ah oo ciidamadu ka wadeen deegaanka, kuwaas oo lagu xoreeyay Jabad Godane iyo deegaanno ku dhow dhow, isla markaana lagu ciribtirayay xubnaha Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa. Sida ay sheegayaan saraakiisha amniga, howlgalkan gaar ahaan wuxuu ku saleysnaa xog sirdoon oo sugan, taas oo tilmaameysay goob si qarsoodi ah loogu kaydin jiray miinooyin, bambaanooyin iyo agab kale oo qarxa.
Ciidamada Danab ayaa goobta si taxaddar leh u baaray, iyaga oo xaqiijiyay in keydkaasi uu ahaa mid Al-Shabaab u adeegsan jirtay fulinta qaraxyada iyo weerarrada ay ku bartilmaameedsan jireen shacabka iyo ciidamada ammaanka. Waxaa la xaqiijiyay in walxaha la helay ay ahaayeen kuwo si xeeladaysan loo qariyay, si looga fogeeyo indhaha shacabka iyo ciidanka.
Intii uu socday howlgalkan, ciidamada Ururka 161-aad Danab ayaa si buuxda u sugay amniga aagga, iyaga oo ka hortagay khatar kasta oo ka dhalan karta walxaha qarxa. Khubarada miino-baarista ee ciidanka ayaa bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka, iyaga oo raacaya habraacyada caalamiga ah ee amniga, si loo hubiyo in uusan wax khatar ah u geysan deegaanka iyo dadka ku nool.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ku doonayaan in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, laguna sugo amniga deegaannada laga xoreeyay kooxda. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan ayaa xusay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah, ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa oo ka hanaqaada Gobolka Shabeellada Dhexe iyo guud ahaan dalka.
Guushan ayaa si weyn loogu bogaadiyay Ciidanka Danab, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo wax ku ool ah oo lagu yareynayo khatarta miinooyinka iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.





