Naadiga kubada cagta Talyaniga ee AC Millan Oo Barahooda Bulshada ku Baahiyay Nin Reer Burco ah..

by Heemaaln
1 minutes read

Naadiga kubada cagta Talyaaniga ee AC Millan ayaa bartooda Tiktok ku baahiyay muuqaal uu leeyahay nin TikToker ah oo kasoo jeeda gobolka Togdheer, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Ordaaye.

Ordaaye oo ka mid ah dadka maqalka naafada ka ah ayaa barahiisa bulshada kusoo bandhiga muuqaalo orod ah, kuwaasi oo mudooyinkii ugu danbeeyay aad ugu faafay baraha bulshada, iyadoo ay daawadeen Malaayiin qof oo ku kala sugan daafaha caalamka.

Muuqaalka ay qaadatay naadiga AC Millan ayaana muujinaya sida ay xuduudaha uga talaabeen Maxamed Ordaaye iyo orodkiisu, iyadoo aan la ogeyn in naadiga reer Talyaani siiyeen Maxamed xuquuqda ay ku qaateen muuqaalkiisa iyo inkale.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.