Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in aysab wefti wada-hadal u dirayn Pakistaan, ilaa Mareykanku ka qaadayo xiyaaradda uu saaray dekedeheeda, sida ay qortay wakaaladda Tasmin.
Trump ayaa isna dhankiisa sheegey in Nadaxweyne ku-xigeenkiisa aanu tegeyn Pakaistan — Ismariwaaggani wuxuu imanayaa iyada oo berri loo madlan yahay wada-hadallo kale oo ka dhaca Islamabad, laguna soo afjaro dagaalka Bariga-dhexe.
Dhinaca kale Iiraan oo laba Markab oo shidaal ah Maanta Mar kale Dib uga Celisay Marinka Hormuz
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), ayaa sheegtay in “iyadoo la raacayo sii socoshada xannibaadda ciidan‑badeed ee Iiraan, ciidamada qalabka sida ee Iiraan ay maanta ka celiyeen laba markab oo shidaal ah oo dheeraad ah inay ka gudbaan Marinka Hormuz”, taas oo dhacday maanta ooi Axad ah.
Tasnim waxay intaas ku dartay in labadan markab, oo “ku safrayay calamada Botswana iyo Angola”, ay doonayeen inay maraan Hormuz balse “lagu qasbay inay beddelaan jihadooda oo dib u laabtaan, kaddib tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada qalabka sida ee Iiraan.”
Arrintan ayaa imanaysa kaddib ku dhawaaqistii Iiraan ee ahayd in Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid xiran ilaa Maraykanku ka qaadayo xannibaadda uu kusoo rogay dekedaha Iiraan.

