Warbaahinta caalamiga ah ayaa soo warinaysa hadal adag oo ka soo baxay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan falastiin ee Francesca Albanese, taas oo si kulul u dhaleeceysay ciidanka Israa’iil.
Albanese ayaa ciidankaasi ku tilmaamtay ciidanka ugu xun dunida, iyadoo sheegtay in ficilladooda ay ka gudbeen dhammaan xadadkii la aqbali karay isla markaana ay si cad u jebiyeen sharciga caalamiga ah.
Hadalkan ayay ku baahisay barteeda rasmiga ah, kaddib markii ay aragtay muuqaal muujinaya sida askar Israa’iili ah si arxan darro ah ula dhaqmayaan ilmo Falastiini ah.
“Waxaan arkay wax igu filan si aan si buuxda u xaqiijiyo,” ayay tiri, iyadoo hadalkeedu noqday mid si weyn looga falceliyay caalamka, xilli xiisadda Falastiin ay weli tahay mid sii kordheysa.
