Xildhibaana Reer Awdal ee golaha wakiilada ayaa Diiday ansixinta Guddida Cadaalada Somaliland oo Ka Koobnaa 9 Xunood kuwaa soo Sabtidii bishan dhamaatay la Horkeenay Golaha Wakiilada Somaliland.
Sagaalkan Xubnood ee Guddida Cadaalada Somaliland ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen 8 Beesha Dhexe ah (isaaq) iyo hal Xubin oo ah Beesha Gabooyo.
Guddidan Cadaalada ayaa ka kala yimaada shan xubnood oo Madaxwaynahu Magacaabo, labo Golaha Wakiladu Magacaabaan iyo Labo Golaha Guurtida soo Magacaabaan.
Ansixinta Guddidan Cadaalada Somaliland ayaa loo Balansanyahay in Mar kale Lagu Soo Celiyo Golaha Wakiilada Somaliland.