Pakistan Oo Codsi Uga Yimid Sacuudiga ku Hakiyay Heshiis Hub iyo Diyaarado Sudan Lagu Siin lahaa.

by Heemaaln
0 minutes read

Pakistan ayaa hakisay heshiis ku dhaw $1.5 bilyan oo lagu siin lahaa hub iyo diyaarado dalka Sudan, kadib markii Sacuudi Carabiya ay codsatay in heshiiskaas la joojiyo. Sucuudiga ayaa bixin lahaa lacagtaas.

Go’aankan ayaa yimid kaddib talooyin ka yimid dalalka reer galbeedka oo ku boorriyey Riyadh in ay ka fogaato ku lug lahaanshaha dagaallada wakiillada (proxy conflicts) ee ka socda qaaradda Afrika.

Soomaaliya ayaa sidaas oo kale doonaysay in Sucuudiga dhexmarsiisato heshiiska Suudaan mid la mid ah kaas oo muuqda mid fashilmaya.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.