“Iran Awood Lagu ma Maquunin karo..”Madaxweynaha Iran

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iraniyiintu aysan isku dhiibeyn maquunin ka hor inta aan la gaarin suurtagalnimada – welina aan la xaqiijin wadahadalo dheeraad ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

Waxa uu sheegay in Iran ay kalsooni darro qotodheer oo taariikhi ah ka qabto dawladda Maraykanka, taas oo weli jirta, isaga oo intaa ku daray “in la ixtiraamo ballanqaadyada” waa inay noqotaa “asalka wadahadal macno leh”.

“Dareen aan wanaagsanayn iyo hadalo is burinaya oo ka imanaya saraakiisha Maraykanku waxay xanbaarsan yihiin fariin qaraar; waxay raadinayaan in Iran is dhiibto,” ayuu ku qoray X.

Dhinaca kale Diblomaasiyiin shisheeye ayaa booqday goobo ku yaalla magaalada Tehran oo ay saameeyeen duqeymo cirka ah oo lala xiriirinayo Mareykanka iyo Israa’iil.

Wafdigan ayaa indhahooda ku soo arkay burburka ka dhashay weerarrada, iyagoo kormeeray dhismayaal iyo kaabayaal ku yaalla caasimadda Iran oo waxyeello culus soo gaartay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.