Taliyaha hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, David Barnea ayaa maanta shaaciyay in sarkaal sirdoon oo loo yaqaan “M” lagu dilay dibadda intii uu ku jiray howlgal qarsoodi ah.
Wuxuu xaqiijiyay in wakiilkaasi door weyn ku lahaa howlgalada ka dhanka ah Iiraan, isla markaana uu hoggaamin jiray howlgallo aad u adag oo loo adeegsan jiray habab hal-abuur, khiyaano xeeladaysan, iyo tiknoolajiyad casri ah leh.
iyadoo shaacintan lagu sheegay mid dhif ah, maaddama aan horey looga baran Mossad soo bandhigto khasaare gaaray, wallow aan la shaacin wax faahfaahin ah ,sida halka lagu dilay iyo cidda dilka sarkaalkan fulisay, sida uu weriyey wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth.
