Somaliland Oo Sheegtey in Tirada Dadkeedu Gaadheen 6.3 Milyam oo Qof

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda qorshaynta Somaliland ayaa sheegtay in dadka reer Somaliland tiradoodu marayso 6.3 Million qof taas oo ah warbixintii ugu dambaysay ee laga sameeyo bulshada ku dhaqan Somaliland.

2024-kii xukuumaddii madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku dhawaaqday in dadka reer Somaliland noqdeen 6.2 Million oo qof, waxana halkaas ka muuqata in laba sano gudohood dadka Somaliland sameeyeen korodh dhan 100 kun oo qof.

Tan ayaa ka dhigan in dadka reer Somaliland tiro ahaan ka horreeyaan waddamada Djibouti iyo Eritrea oo ka mid ah dalalka dhaca gobolka Geeska Afrika.

Arintan ayaa imanaysa xilli maalmo ka hor ay WorldOmeter sheegtey in tirada dadka Soomaaliyeed tahay 20.3 milyan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.