Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay falalka Iiraan wado ee lidka ku ah dalalka Khallijka, iyadoo arrintan lagu soo qaaday shir degdeg ah oo ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta, kaas oo diiradda lagu saaray weerarrada Tehran ay ka waddo dalalka Khaliijka.
DFS waxay caddeysay inay si buuxda ula safan tahay dowladaha Carabta ee la kulmaya weerarradaasi, isla markaana si adag u dhaliishay tallaabooyinka ay qaadayso Iiraan. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda, Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dalalka walaalaha ah ee Carabta.
Hadalkaan ayaa imaanaya wax yar kadib markii Iiraan ay muujisay taageero ay u hayso Soomaaliya, isla markaana ay ka hortimid dadaallada Somaliland ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah.
