Koofurta Kuuriya ayaa sheegay in laba diyaaradood oo F-15K fighter jet ay hawada iskula dhaceen kadib markii duuliyeyaashu ay bilaabeen in ay sawirro iyo muuqaallo iska duubaan.
Waxyeello ayaa gaartay diyaaradaha, balse duuliyeyaashu way badbaadeen, iyadoo hal duuliye lagu ganaaxay 88 milyan won (qiyaastii $60,000 USD) kadib tilaabada halis ah oo uu sameeyay.
Qaadista sawirrada duulimaadyada muhiimka ah waxay ahayd “caado guud oo ka dhex jirtay duuliyayaasha xilligaas,” waxaa sidaasi sheegay guddiga kormeerka ee warbixinta soo saaray Arbacada maanta ah.
Duuliyaha ayaa shaaciyay ujeedkiisa kahor duulimaadka, sida laga soo xigtay warbixinta.Duuliyaasha ayaa u isticmaalayay sawir qaadista iyo duubista muuqaallada teleefoonnadooda gacanta
Dhanka kale Dawladda Malawi ayaa qorshaynaysa in Bank Afrika ay ka soo ahaamato lacag dhan 120 Million oo Dollar si ay shidaal ugu soo iibiso dalkaas oo hadda la daala dhacaya dhibaatooyin dhaqaale oo aad u xooggan.
Malawi ayaa doonaysa in Dayntani noqonto mid lagu daboolo shidaal yaraanta waddankaas oo ka mid ah dalalka uu sameeyey dagaalka ka soconaya bariga dhexe.
Sida ay sheegtay warbaahinta Business Insider Africa, dalka Malawi waa waddanka ugu shidaalka qaalisan Afrika iyada oo halkii Litir lagu iibiyo 3.4 Dollar.
