Xoghayihii Hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry Oo Sheegay In Nataniyahu Uu Hore Uga Diiday Qorshaha Hada Lagu Weeraray Iran.
“Netanyahu wuxuu xilligii aan xafiiska joogay nagu dhiirrigeliyay dagaal lala galo Iiraan, laakiin waan diidnay. Wuxuu markaa soo bandhigayay in la beddelo nidaamka oo dilal la fuliyo , taana ay keeni doonto shacabka inay kacaan, waa la sameeyay hadda arrintaa , laakin waxba ma dhicn.”
Waxaa kaloo uu yiri;
“George W. Bush wuu diiday duullaan lagu qaado Iiraan, Barack Obama wuu diiday, Joe Biden isna wuu diiday, waxaana dhacday hadda in la qaaday dagaal ka dhan ah Iiraan oo xaqiiqadiisa aan naloo sheegin.”
Wuxuu intaa ku daray;
“Casharka aan ka barannay dagaalladii Vietnam iyo Ciraaq waa: waalidiinta Mareykanka ha ka dalban inay carruurtooda u diraan dagaal aan loo baahnayn.
Dagaalkan looma baahnayn in la galo.
Waajibka ugu weyn ee saaran madaxweyne Trump, waa inuu si daacad ah ula hadlo waalidiinta carruurtooda loo dirayo dagaalka.Waa inuu si cad u sharraxaa ujeeddada dagaalka, waxa la doonayo in la gaaro, iyo sababta loo dagaallamayo.Waa inuu si fiican u fahmaa waxa uu dadka ka dalbanayo inay u huraan.”
