Ergayga Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeid Iravani, ayaa si kulul ugu eedeeyay dalal ka tirsan Khaliijka inay gacan ka geysteen weerarrada militari ee uu hoggaaminayo Mareykanka.
Warqado uu u diray Qaramada Midoobay, Iravani wuxuu ku sheegay in hawada iyo dhulka Bahrain, Qatar, Kuwait, Imaaraadka Carabta, iyo Sacuudi Carabiya loo adeegsaday qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah Tehran arrin uu ku tilmaamay jebinta sharciga caalamiga ah.
Tehran waxay ku baaqday in dalalkan ay joojiyaan oggolaanshaha in dhulkooda loo adeegsado colaadda, iyadoo sidoo kale dalbatay magdhow la xiriira doorkooda dagaalka. Dhanka kale, Iran waxay sheegtay in jawaab celinteedu ay si gaar ah u beegsanayso saldhigyada Mareykanka, isla markaana aysan doonaynin inay colaadda ku fidiso dalalka Carabta.
Eedeymahan ayaa sii murjinaya xiisadda gobolka iyadoo Khaliijku uu isu beddelayo goob ay ku kulmaan awoodaha militari iyo isqabqabsiga istiraatiijiga ah ee sii xoogeysanaya.
