Diyaarada nuuceedu yahay A400M oo ay leeyihiin milatariga Turkiga oo ka soo duushay Kayseri ayaa ka soo dagtay Muqdisho. Saacado ka dib waxa ay u duushay Itoobiya iyadoo mar kale ku soo laabatay Muqdisho.
Macada waxa ay ka soo kala qaaday Kayseri iyo Itoobiya ee ay Muqdisho balse dowlada ayay ka caawisaa qaadista iyo soo celinta askarta Tababarka loo qaado iyo qalab milatari oo ay Muqdisho keento.
Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed, Laftagareen oo ku sugan deegaanka Bohol-garas ayaa wada-hadallo la furay saraakiil ka tirsan Jubbaland & Itoobiya, waxaana lagu in ay ka gudbaan xadka isla markaasna dhinaca kale ka soo galaan magaalada Doolow, sida ay werisey BBC.
Tani waxa ay imanaysaa xilli gudaha Baydhabo ay DFS hub-ka-dhigis ku samaysay mas’uuliyiin ay uga shakidey la shaqaynta ciidankaasi.
17 qof oo dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay badda u dhaxeysa Spain iyo Algeria xilli ay ku safrayeen dooni ay saarnaayeen tahriibayaasha oo ka koobnaa 5 gabdhoodh & 12 wiil sida ay sheegeen mas’uuliin kamid ah DFS.
