Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa soo bandhigay qorshe ay diyaarinayso Iiraan , haddii uu dib u qarxo dagaalka oo Mareykanka iyo Israa’iil ay billaabaan duullaan ka dhan ah Iiraan.
Warbixintan waxaa lagu sheegay;
1-Weerar kasta oo lagu qaado xarumaha tamarta waxaa looga jawaabi doonaa si la mid ah, waxaana Iiraan ay weerarri doontaa xarumaha tamarta Israa’iil iyo dalalka gobolka.
2-Marinka Hormuz ayaa la kordhin doonaa tirada miinooyinka la galiyay.
3-Sii socoshada xannibaada uu Mareykanka ku hayo dekedaha Iiraan , waxaa ay dhalin karta inay Iiraan qaadato go’aan lagu xirayo marin-biyoodka Bab el-Mandeb.
4-Haddii weerar dhulka ah lagu qaado Iiraan, waxaa laga yaabaa in la beegsado saldhigyada Mareykanka iyadoo la adeegsanayo dadka deegaanka iyo kooxaha xiriir la leh Iiraan oo ku fidsan goobaha ay ku yaalaan saldhigyada Mareykanka.
