Jubaland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hubanti la’aanta jirta iyo dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha Federaalka.
Waxey tilmaamay in muddadii sharciyeed ee Xildhibaannada Baarlamaanka ay dhammaatay 14-kii Abriil, halka muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May. Arrintan ayay ku sheegeen mid keeni karta jahwareer sharci iyo khatar amni.
Jubaland waxay ku baaqday in si degdeg ah loo helo xal sharci ah oo lagu maareeyo marxaladdan, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan badbaadinta nidaamka dowladnimo, isla markaana la ilaaliyo xasilloonida dalka.

