Warbaahinta Mareykanka laga leeyahay ee NBC News, ayaa daahqaaday inay Iiraan adeegsatay diyaarad nooca F-5 intii dagaalka lagu jiray , isla markaana diyaaradan ay ku guuleysatay inay ka gudubto nidaamyada difaaca Mareykanka oo weerar burburin ah ka fulisay saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay bariga dhexe.
Sidoo kale warbixntan ayaa lagu sheegay in saldhigyada Mareykanka ay la kulmeen khasaare ka badan inta la sheegay, si loo dayac-tirana uu Mareykanka u baahan doono balaayiin doolar.
Lama sheegin dalka ay hawadiisa galeen diyaaradaha Iiraan ee weerarrada ka fuliyay saldhigyada Mareykanka, balse waa warbixintii u horreysay oo lagu daahqaaday inay Iiraan adeegsatay diyaarad F-5 oo isla Mareykanka uu soo saaro.
Diyaaradahan ayuu Mareykanku geeyay Iiraan intii uu xukumayay Iiraan boqor Mohammad Reza Pahlavi, oo kacaanka hadda talada haya ay xukunka ka tuureen sannadkii 1979, markaa oo ay Iiraan ahayd dalka xiriirka ugu weyn uu Mareykanka la lahaa ee bariga dhexe ku yaalay.

Screenshot
