Saturday, April 25, 2026

Bariga dhexe oo Caawa ay Cabsi Xoogan soo Food-saartay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa hadda sheegay in diyaaradahooda dagaalka ee F35 Lightning ay bilaabayaan caawa roondo ay ka sameynayaan Badda Carabta.

Diyaaradahan oo ah kuwa tayo sare leh ayaa waxaay kasoo kaceen markabka dagaalka ee USS Tripoli.

Dowladda Iran dhankeeda waxaay kujirtaa heegan sare sida ay goordhow sheegeen taliska Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran.

Diyaaradahan ayaa laga cabsi qabaa inay gaadhaan badda Iran gaar ahaan marinka Hormuz oo si joogto ah ay ugu howlgalayaan Ciidamada badda Iran mareykankana uu il gaar ah kuhaya.

Wadamada Khaliijka ayaa caawa laga dareemayaa cabsi xoogan iyaga oo ka baqaya Iran maadaama la ogyahay hadii Iran la weeraro in Khaliijka uu yahay meesha ugu horeysa ee ay beegsan doonta.

Wadanka Imaaraadka ayaay iran si gaar ah isha ugu haysa, Imaaraadka ayaa xidhiidh la leh Mareykanka iyo YHDA waana halka Iran ku tuhmeysa in ay qayb weyn ku leedahay talada ama raali ahaanshaha duulaanka ka dhanka ah Iran.

Waxaa sidaas oo kale cabsida xoogan caawa ka jirtaa oo aad baraha bulshada Carabta ufalanqeynayaan wadamada Sucuudiga, Kuwait iyo Qatar.