Somaliland Oo kasoo Muuqatay Dalal Dhowr ah Oo Israel ka Gacan ka Siiyey Dagaalka Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Somaliland ayaa ka soo muuqatay dalal dhowr ah oo Israa|l uga mahad-celisay gacan ay ka siiyeen dagaalka Iiraan, kuwaasoo ay ka heshay xarumo saldhig & saad qarsoodi ah oo kaabay howlgalkeeda dagaalka Bariga-dhexe, sida ay weriyeen CNN & Times of Israiil.

Somaliland ayaa si gaar ah u siisay goobo dheeraad ah oo ay u adeegsan karto dhinaca militariga, taas oo u oggolaan karta diyaaradaha Israa|l in ay hakad ku galaan marka ay duulimaadyo dheer ku tagayaan Iiraan.

Sidoo kale Warbixintan ayaa lagu sheegtay in hawlgalkan Azerbaijan uu ka mid ahaa shabakad ballaaran oo saldhigyo iyo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil ku lahayd dalal kala duwan oo gobolka ah. Waxaa la sheegay in goobo kale ay ku yaalleen Ciraaq, Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliland.

Safaaradda Azerbaijan ee Mareykanka ayaa si adag u beenisay warbixinta, iyadoo sheegtay inaysan jirin wax saldhig ama hawlgal noocaas ah oo laga fuliyay dhulka Azerbaijan.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Israa’iil ay laba xarumood oo qarsoodi ah ku lahayd gudaha Ciraaq intii uu socday dagaalka, kuwaas oo loogu talagalay taageerada saadka iyo hawlgallada samatabbixinta haddii loo baahdo.

Warbixintu waxay xustay in Israa’iil ay sidoo kale si qarsoodi ah nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome u geysay Imaaraadka Carabta intii uu socday dagaalka, si loo xoojiyo difaaca hawada