Israa’iil Oo Sheegatay Inay Imaaraadka Carabta Gaysay Nidaamkeeda Difaaca ee Iron Dome

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa lagu warramayaa inay Imaaraadka Carabta gaysay nidaamkeeda difaaca ee Iron Dome iyo ciidamo, intii lagu jiray dagaalkii Iiraan, tallaabadaa oo lagu sheegay inay Israa’iil uga qaybqaadanaysay difaaca dhulka Imaaraadka Carabta oo weerarro kala kulmayay Iiraan, taasoo Imaaraadka Carabta ka dhigtay dalkii u horreeyay ee Carbeed ee lagu sheego inuu dhulkiisa keenay ciidamo ka socda Israa’iil.

Dhanka kale Imaaraadka ayaa la ogaaday in sagaal duullimaad oo qarsoodi ahaa uu ka sameeyay koofurta dhulka Falastiin ee ay Yuhuudda xoogga ku heysato.

9-ka duullimaad oo ay sameeyeen doyaaradaha xamuulka ee Milatariga Imaaraadka ayaa ka degay saldhihha Nevatim Air Base.

7 diyaaradood waa nooca C-17A, halka 2 diyaaradood ay yihiin nooca Il-76 oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Imaaraadka.