Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Caawa kulan ugu Yeedhay Isimmada dhaqanka Soomaaliyeed

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa caawa kulan ugu yeedhay isimmada dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlaya xaaladaha-siyaasadeed ee dalka & doorashooyinka.

Mucaaridka ayaa maalmo ka hor isimmada u jeediyey in ay xalliyaan xaaladda kala-guur ee dalka isla markaasna dhexgalaan Muxaafid & Mucaarid.

Marka laga yimaaddo Doorashada qof & cod ee DFS, noocyada doorasho ee mucaaridka & dad kale soo jeediyeen waxa ka mid ah; xulista odayaasha dhaqanka.