Israel ayaa abuurtay xiisad weyn kadib markii ay u magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee ay u dirto deegaanka “Somaliland” oo ah gobol iskii ugu dhawaaqay gooni isu taag, tallaabadaas oo lagu tilmaamay “baaq dagaal diblomaasiyadeed”.
Tallaabadan waxay si toos ah uga hor imaanaysaa dhammaan heshiisyada caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in Michael Lotem loo magacaabay safiir u qaabilsan “Somaliland”, iyadoo ay si weyn u cambaareeyeen Carabta, dalalka Islaamka, Midowga Africa iyo dalal kale, kuwaas oo sheegay in tani ay siinayso “sharci aan sax ahayn” maadaama gobolkaas si iskiis ah u sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya.
Falcelinno ayaa tilmaamaya in Israa’iil ay arrintan u adeegsanayso qorshe istiraatiiji ah oo la xiriira marin biyoodka Bab al-Mandab iyo saameynta amniga gobolka Geeska Afrika, halkii ay ka ahaan lahayd kaliya xiriir diblomaasiyadeed.
Khubaro ayaa sheegaya in tallaabadani sharci ahaan tahay mid aan sax ahayn, waxaana la isweydiinayaa sida loo diyaarin karo jawaab sharci iyo mid diblomaasiyadeed oo lagu joojin karo.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Masar, Maxamed Al-Orabi, ayaa sheegay in go’aankani uu si toos ah u jabinayo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana uu ka hor imaanayo mabaadi’da Midowga Afrika ee mamnuucaya in la beddelo xuduudihii laga dhaxlay gumeysigii.
Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay isku day lagu beddelayo khariidadda siyaasadeed ee gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taas oo khatar ku ah amniga iyo marinada ganacsiga caalamiga ah.
Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo mowqif mideysan oo Carbeed iyo Afrikaan ah, lana geeyo Golaha Ammaanka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka si loo caddeeyo midnimada Soomaaliya.
Dhinaca kale, khabiir sharci oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Maxamuud Mihran ayaa soo bandhigay dhowr qodob oo sharci ah oo lagu wajahayo tallaabadan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. In la dhaqaajiyo go’aamada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ee taageeraya midnimada Soomaaliya, isla markaana aan la aqbalin wax safiir ah oo Israa’iil ah oo ka shaqeeya Somaliland.
2. In arrinta loo gudbiyo Golaha Ammaanka iyadoo loo cuskanayo qodobka 35 ee Qaramada Midoobay, si loo tilmaamo khatar amni oo caalami ah.
3. In Kiiska loo gudbiyo Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah si loo helo ra’yi sharci oo ku saabsan sharci darrada tallaabadan.
4. In dacwado lagu furo dalalka qaarkood ee aqbala xukunka caalamiga ah ee dembiyada ka dhanka ah nabadda.
5. In la dhaqaajiyo heshiiska difaaca Carabta si loo tixgeliyo weerar kasta oo lagu qaado dal Carbeed mid saameeya dhammaan.
6. In la cadaadiyo Israa’iil iyadoo la hakiyo iskaashiyada iyo xubinimada ururrada caalamiga ah.
7. In la sameeyo cadaadis dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.
8. In la kordhiyo cunaqabateyn caalami ah.
9. In lagu biiro dacwadda Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israa’iil, lana muujiyo in ay jirto qaab joogto ah oo lagu jebinayo madax-bannaanida dalalka caalamka.
