Ukraine ayaa markii u horreysay si cad u sheegtay inay khiyaano iyo niyad jab kala kulantay Israa’iil, ka dib markii Israa’iil ay ka iibsatay Ruushka qamadi laga soo xaday Ukraine.
Warbaahinta Axios oo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Ukraine , wuxuu u sheegay inay Ukraine sameysay wax kasta oo ay ku taageerri karto Israa’iil, oo ay ku jiraan in la sharciyeeyo nacaybka Yahuudda inuu dambi ka yahay gudaha Ukraine iyo argagixiso inay Ukraine u aqoonsatay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, sabab la xiriirta inay taa doonaysay Israa’iil.Halka Israa’iil ay uga jawaabtay si ka duwan, iyadoo la sheegay inay aqbashay qamadi laga soo xaday Ukraine oo ay Ruushka ka iibsatay.
Sawirro dayax-gacmeed ayaa muujiyay markabka Saint Olga oo ku dejiyay 27,000 tan oo qamadi ah dekedda Ashdod ee Israa’iil, iyadoo qiimaha xamuulkaasna lagu qiyaasay 9 milyan oo doolar inuu ku helay Ryyshka.
Sidoo kale,waxaa la sheegay in ka badan 30 shixnadood oo kale inay hadda u socdeen Israa’iil
kuwaas oo ka baxay dekeddo ku yaalla Ukraine oo Ruushku gacanta ku hayo.
Ukraine waxay aaminsan tahay in ganacsato Israa’iili ah ay faa’iido ka helayaan qamadiga laga soo dhacay dhulkeeda.



Screenshot
