Heemaal News Network

Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Gantaalo Ku Weeraray Dalka Yaman

Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa qaaday weerarro cusub oo is xig xiga oo dhanka cirka ah isla markaana ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalak Yemen.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in weeraradan oo adhacy Isniintii ay la beegsadeen sideed bartilmaameed, oo ay ku jiraan goob dhulka hoostiisa ku yaalla laguna kaydiyo gantaallada Xuutiyiinta iyo qalab kale.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in tillaabadan ay jawaab u tahay weerarada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan Maraakiibta shisheeye ee badda cas.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil iyo dalalka reer galbeedka ee taageera, iyagoo intaa ku daray in arrintaan ay ugu hiillinayaan Falastiiniyiinta Qasa ee sida joogtada ah ula kulma weerarada iyo duqeymaha Israa’iil.

 

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Haweeney Ruushh Oo 27 Sano Oo xabsi ah Lagu Xukumay Markii Lagu Helay Dilka Nin..

Heemaal

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qaraar kale Oo Xabad joojin Looga Hirgelinayo Gaza

Heemaaln

Abdul-Salam Oo Ku Booriyey Caalmka In Ayna Dhibanayaal U Noqon Khiyaanada Maraykanka

Heemaal